Tuesday September 11, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Maansadani waa maanso cusub oo curatay caawa oo salaasa ah

taariikhduuna tahay 14/08/2012 abaara 1:30 waa maanso lamagac baxday “qabyaalad hirtaan arkaa

Maansadu waxay si dhab ah uga hadlaysaa qabyaalada iyo ficiladeedaxun xun ee saameynta ku leh bulshadeenan ul iyo diirka ah.

Maansadu waxay si kooban u sharaxaysaa dhibaatooyinka lagala kulmo qabyaalada iyo siyaabaha looga gaabsan karo.

Qabyaalad hirtaan arkaa

Quruumo hogtaan arkaa

Nimay qaribtaan arkaa

Quluubta jartaan arkaa

Qof noo halisaan arkaa

Halkuu qalayaan arkaa

Qacdiyo boogtaan arkaa

Qiyaasta li’idaan arkaa

Nin qaad cunayaan arkaa

Qabiil ku hayaan arkaa

Hankiisi qubaan arkaa

Intaa qaxarbaan arkaa

Abwaan qaataan arkaa

Hog uun qodayaan arkaa

Nin qowdhanah baan arkaa

Qun uun u hurdaan arkaa

Dadkiisu qalaan arkaa

Hormood ka qadaan arkaa

Qab iyo higil baan arkaa

Qolfoof hadlayaan arkaa

Qod iyo boog baan arkaa

Halkay qodataan arkaa

Kasii qarxaysaan arkaa’

Kusii qotontaan arkaa

Qumaataan uba arkaa

Intaa qolof baan arkaa

Qammuunyo hagtaan arkaa

Qaniinyo hudhaan arkaa

Qambaabile baan arkaa

Qudhiisu wadaan arkaa

Intaa qoys baan arkaa

Ku faana qolaan arkaa

Hadana qaybaan arkaa

Ku faana qax baan arkaa

Qalwiyo looxbaan arkaa

Hareerta qolbaan arkaa

Qabiil ku shiraan arkaa

Qumaati nacaan arkaa

Quruumo jantaan arkaa

Kusoo qaxayaan arkaa

Qalwooyin bataan arkaa

Qof uun kaliyaan arkaa

Qayrkii ka hadhaan arkaa

Qumblad haystaan arkaa

Haddeer qarxinbaan arkaa

Dhallaan qalayaan arkaa

Qareemo wataan arkaa

Qac iyo halis baan arkaa

Mayd uun quban baan arkaa

Qabaal dhiigaan arkaa

Naf aan qadin baan arkaa

Nin qoonsadaybaan arkaa

Qudhii ka jaraan arkaa

Adduun ku qadaan arkaa

Dambena ka qadan arkaa

Intaa qubanaan arkaa

Qamaaciir baan arkaa

Ruux qaatay dhibaan arkaa

Qof uun farayaan arkaa

Xumaan qorayaan arkaa

Samaan ka qadaan arkaa

Wanaag qubay baan arkaa

Hadana qool baan arkaa

Qof loo dhigay baan arkaa

Haddeer qarxayaan arkaa

Ujeedo qofbaan arkaa

Lilaahi qubaan arkaa

Qof uun dilayaan arkaa

Qudhuun jarayaan arkaa

Dhiig uun qubayaan arkaa

Samii qaribaan arkaa

Arkaa qubanaan arkaa

Aduunyo qudhaan arkaa

Quluulatay baan arka!!!

Hal-abuur: c/rashiid khadar jaamac (hal abuur halac)

Address:h-halac@hotmail.com

Afeef: Caynaba News Marnaba Kama Masuul Aha Aragtida Shacabka, Qoraaga Ayaa Xumaanteeda Iyo Wanaageedaba Leh.
 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
English News
English News
BREAKING NEWS We will Defend Somaliland Ethiopian PM Hailemariam Desalegn
20/05/2013
Faisal A. Warabe Takes Suspicious Meeting With Mogadishu Administration
12/05/2013
Military deployed in Mandera
11/05/2013
Qatar intelligence chief dies of wounds in Somalia
10/05/2013
Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
29/04/2013
An Inspiring, Impressive and Influential Foreign Policy
16/04/2013
This attack is nothing but a sign of desperation by the terrorists.” President Hassan said
14/04/2013
Ceremonial funeral planned after Margaret Thatcher dies, aged 87
08/04/2013
McDonald's job advert demands new employees have a degree and two years’ experience, qualifications previously required only in corporate and managerial roles
04/04/2013
Happy Sindane murder: Man who claimed he was kept as white child slave in black township in South Africa is found 'stoned to death'
02/04/2013
The current Somaliland government deserves our cooperation rather than counteraction
30/03/2013
President Hassan reiterates again, his commitment to the cause of Human Rights
28/03/2013
New migrants will not get free housing, warns David Cameron as Prime Minister stakes out ground for next election
24/03/2013
President Ahmed Siilanyo: A Nation Builder driven by Fairness, Compassion and Devotion to Duty.By |Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr |UK|
23/03/2013
Impact 800 000 Finnish interest
22/03/2013
Somaliland Ambassador In Sweden Met Swedish Minister Responsible for Consumer and Democracy
21/03/2013