Wadankasta oo aduunka ka jira waxaa udegsan nadaam ganacsi iyo xeerar jidaynaya habka ganacsiga private ka ama gaar ka looleeyahay Somaliland oo wali aduunka
aan ka helin ictiraaf calamiya
waxay
leedahay nadaam ganacsi inkasta oo ay ka muuqato geldalooloyin badan
hadana
waxaa jidaynaya Tasduurka Somaliland
kaasoo damanad qaadaya ganacsiga xortaa iyo abuuritaanka illo dhaqaale
oo ay muwaadiniintu
yeeshaan sidaynu ognahay 21 sano ee ay Somaliland jirtay waxaa si aada
u koray ganacsiga gaar ka looleeyahay kaasoo soo jiitay maalgashiga
caalamka waxaana lagu tilmaama in ganacsiga
gaarka looleyahay ee Somaliland ka horumar sana yahay wadamo badan oo
Africa
ka mida waxaana ka mida meelaha horumarka muuqda sameeyey shirkadaha
isgaadhsiinta oo waxbadan lajaanqaaday Technology calamka taas oo
door
mihiima ka qadatay horumarka wadanka taa
macnaheedu maaha in la odhan karo wax kasta oo shirkaduhu soo kordhiyeen
waa horumar
balse waxaa jira khataro badan oo halis ku ah
nolasha iyo caafimaadka bulshada hadii
aan si degdega wax looga bedalin waxana ka midah Base Transceiver
Station (BTS)
ama biraha Towarada dhaadheer ee
telefonada kuwasoo aadku arki karto
meelaha bulshadu ku badan tahay siday
ugu teed san yihiin gaar ahaan xaafadaha iyo goobaha
waxbarashada sida Madarasadaha,Schoolada,Jamacadaha,Cusbitaalada sida
la ogyahay Tawarada isgaadhsiintu waxay
leeyihiin awoodbadan oo ay wax ku gudbiyaan waxanay sii daayaan
radiation ama shoocac khatarku ah nolasha bina adamka kaas oo sobaba
xanuuno badan oo aad udaran siday ay baadhitaanku
ogaadeen dadbadan oo expert ku ah Cilmiga isgaadhsiinta iyada oo ay
jirto
badhitanno badan oo laga sameeyey khatarta Tawaradu u leeyihiin dadka
waxaynu soo qadan doona daraso ay sameeyeen khuboro ka
tirsan Jamacada University Southern California USA waxay baadhitaanka ku
ogaadeen inay Tawaradani ama (BTS)
sobaban xanuunno ay ka mid yihiin Madax
xanuun( headache), Hurdo xumo (sleep disorder) xusuusta oo yaraata
(poor memory),
Khalkhal dhinac abateedkaa (appetite disturbance), Jahawareer
(confusion) sidookale darasadan waxaa lagu daah furay in ay 3 laab uga
khatar
badan yihiin dadka ka agdhaw Tawarada ama ku nool mastafo u jirta
400 meter inay qaadan Cancel ku dhaca midhicirka (bowel
cancel),ganac(pancreas
cancel ),sanbabka(lung cancel),dhiiga(blood cancel ) iyo Cancelka
dumarka
nasaha kagaga dhaca (Breasts cancel). sidaad
arki karto waxaa khatar ugu jira xanuunada aad ka halista u ah Allah
haynaga hayee inay qaadan dadbadan oo magaloyinka ka Somaliland ku
nool.
Gebababdii waxaan dulucda maqalkaygan ku soo afmeerayaa baaq
aan ujeedinayo xukumada Somaliland gaar ahaan wasarada caafimaadka iyo shirkadah isgaadhsiinta
1)Wasarada caafimaadku iyada
ayaa shacabka ugu masuula daryeelka caafimaad iyo hubinta wax kasta oo khatar
caafimaad ku keeni kara bulshada ay xilka u hayaan waa inay
baadhitaan ku sameeyaan khatarta ka jirta Tawarada loo dhigay sida bilaa
xuduudaa.
2)Shirkadaha isgaadhsiintaa
waxaa waajibku ah inay utudhaan shacabkooda oo aanay eegin uun halkay shilinka ay
ka kordhin karaan.
By: Abdirahman Olad rafiiq2@hotmail.com
Mahad oo dhan Allah iskaleh.