Waxa aan ficil kadis ah igu noqon HAMBALYADA madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland (JSL), xukuumaddiisa iyo madaxda xisbiyada qaarkood u direen madaxwaynaha cusub
ee dalka Somalia.
Waxa muhiim ah in la fahmo cidda uu yahay iyo dalka uu kasoo jeedo madaxwaynahan madaxdeenu hambalyaynayso.
Sidaynu la wada socono dalka Somalia ee madaxwaynahan aynu hambalyaynayno doortay wuxu dhawaan samaystay waxay ugu yeedheen Dastuur.Sidoo kale waxay soo xusheen xubno Baarlaman oo ka kooban bay yidhahdeen 275 xildhibaan.
Dastuurka dalkaasi samaysteen wuxu si cad u qeexayaa oo uu tilmaamayaa in dhammaan dhulka JSL ka koobantay uu qayb ka yahay dalkooda Somalia.Intaas oo qudha kumay joogin ee waxay xaqireen dhammaan hay’yadaha Qaranka JSL ee sida dastuurigaa u matalaya dadkooda oo waxay dad calooshooda u shaqaystayaal ah ku tilmaameen inay matalaan dadkeena.
Mida kale madaxwaynahan cusub iyo dhammaan raggii u tartamayay jagadan uu ku guulaystay midna muusan shaacin amma balan qaadin innuu ixtiraamayo go’aanka iyo rabitaanka shicibka JSL ee waxay ku ololaynayeen mawqifkooduna yahay inay Somaliland ku qancinayaan inay qayb ka ahaato dalkooda Somalia.
Siday anni ila tahay hambalyadani waxay ka mid tahay oo ay ku biiraysa ficiladii hore la inooga bartay, adduunka iyo Somalia-na u fasirtaan in dib usoo noolaynta dalkii Somali Republic (Jamhuuriyadii Soomaaliyeed) la odhan jiray walli suuragal tahay.
Waxa hubaal ah in Somaliland dunida kusoo biirisay dhaqan diplomaasiyeed oo ugub caalamka ku ah ee su’aashu waxay tahay dhaqankani ma ka midha dhalin doonaa himilada umadda JSL mise saan-saanta uu leeyahay ayaa dhaboobi oo gumaysigii Somalia ayeey Somaliland dib u hoos galli?Wakhtiga ayaa ka jawaabi doonee digniin kaloo diwaanka iga gashay dheh!
Wa bilaahi tawfiiq,
Iid Xasan Aw Muuse,
Somaliland Activist,
London
iidsl@hotmasil.com