Wednesday September 12, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Talo Ku Socota Madaxweynaha Somalia, Mudane Hassan Sh. Mohamoud
7 Arrimood oo Mudane Farmaajo ku Mutaystay Ra'iisal Wasaarenimo

Mudane Madaxweyne,

Waxaan kuu soo jeedinayaa talo ku saabsan magacaabidda
ra'iisal wasaaraha dawladaada cusub ee Somalia. Marka la eego dhibaatooyinka murugada iyo xanuunka badnaa ee soo maray Koonfurta (Somalia) mudadii 21 sano ahayd, Waxaan talo ahaan kuu soo jeedinayaa in Mudane Moxamed Cabdullaahi Farmaajo loo magacaabo ra'iisal wasaaraha cusub ee Somalia todobadan arrimood ee soo socda awgood:

1- Waa nin aqoonyahan ah oo fahamsan dhibaatada ka taagan Somalia, gacanweynna ka gaysankara dhakhso u soo celinta dawladnimada iyo qaranimada Somalia.

2- Waa nin ummaddu aad u jeceshahay oo madaxweynuhu ku kasbankaro taageerada shacabka magacaabidiisa islamarkaana kor u qaadikara sumcadda iyo ku kalsoonaanta dawladda cusub ee Somalia.

3- Farmaajo waa wadani weyn daacad ah oo kala fahamsan cadawga iyo nasteexa Somalia waana sababta ay ummaddu u jeceshahay.

4- Waa nin la tijaabiyay xilligii uu ra'iisal wasaaraha ahaa kuna guullaystay soo celinta haykalkii, nidaamkii, iyo kala-dambayntii dawladnimadav Somalia.

5- Waa nin ka habaysta sharciga iyo qaranimada lana dagaallama qabyaaladda iyo musuqmaasuqa.

6- Marka la eego sida ay Somalia wax u qaybsatay maanta (4.5) waa nin ka soo jeeda beesha loo qoondeeyay ra'iisal wasaaraha? Waa fool-xumo weyn in ra'iisal wasaaraha loo loogo islaweyni iyo sadbursi cadaaladda ka fog, ummadduna ka soo horjeesato.

7- Waa nin yaqaan taariikhda Afrika, Somalida iyo taariikhda Israacii fashilmay ee Somalia iyo Somaliland taas oo horseedikarta in labada dawladood sii ambaqaadaan wada hadaladii la bilaabay. Waa nin og in wada hadalada laga ilaasho islaweyni, hanjabaad, inkiraad, iyo taariikh been laga sheego oo duminkara wada hadalada soona noolaynkaracolaado laga soo baxay.

F/G: Mudane madaxweyne, waxaad ogaataa in ra'iisal wasaare, wasiir, ama xubno baarlamaan oo ka soojeeda dawladda Somaliland anay marnaba xukuumadda Somaliland la gelayn wax wada hadal ah waayo arrintu kama dhaxayso dadka Somaliland ee waxay ka dhaxaysaa Somaliland iyo Somalia. Haddii aad arrintaas aad isku daydid waxaad ogaataa in shirqoolka noocaas ah ee ka soo horjeeda dawladnimada Somaliland uu fashilinayo wada hadal kasta.Waa Billaahi Towfiiq.

Ibrahim Hassan Gagale



Sent from my iPad
Afeef: Caynaba News Marnaba Kama Masuul Aha Aragtida Shacabka, Qoraaga Ayaa Xumaanteeda Iyo Wanaageedaba Leh.
 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
English News
English News
BREAKING NEWS We will Defend Somaliland Ethiopian PM Hailemariam Desalegn
20/05/2013
Faisal A. Warabe Takes Suspicious Meeting With Mogadishu Administration
12/05/2013
Military deployed in Mandera
11/05/2013
Qatar intelligence chief dies of wounds in Somalia
10/05/2013
Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
29/04/2013
An Inspiring, Impressive and Influential Foreign Policy
16/04/2013
This attack is nothing but a sign of desperation by the terrorists.” President Hassan said
14/04/2013
Ceremonial funeral planned after Margaret Thatcher dies, aged 87
08/04/2013
McDonald's job advert demands new employees have a degree and two years’ experience, qualifications previously required only in corporate and managerial roles
04/04/2013
Happy Sindane murder: Man who claimed he was kept as white child slave in black township in South Africa is found 'stoned to death'
02/04/2013
The current Somaliland government deserves our cooperation rather than counteraction
30/03/2013
President Hassan reiterates again, his commitment to the cause of Human Rights
28/03/2013
New migrants will not get free housing, warns David Cameron as Prime Minister stakes out ground for next election
24/03/2013
President Ahmed Siilanyo: A Nation Builder driven by Fairness, Compassion and Devotion to Duty.By |Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr |UK|
23/03/2013
Impact 800 000 Finnish interest
22/03/2013
Somaliland Ambassador In Sweden Met Swedish Minister Responsible for Consumer and Democracy
21/03/2013