Thursday September 13, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Marka hore waxan salaamaya dhamaan Bahweynta saxaafada aniga oo uga mahad celinaya sida qiimaha iyo sharaftu ku dheehan tahay ee ay bulshada ugu soo gudbiyaan

fikirkooda ay ku cabirayaan kolba xaaladaha ka jra dalka aniguna maanta waxa aan halkan ku cabirayaa magaalkan oo runtii igu dhshay markaan indho indheeyey xaaladaha maanta ay ku sugan yihiin Ururada Asxaabta ee aynu sugayno waxa ay kala calafqaadaan marka ay dhacdo doorashada Deegaanku oo aan anigu u soo sharaxay Dameerkan aad u jeedaan maanta.

Dameerkani waa musharax u tartamaya xildhibaanimada golaha degaanka Hargeysa. Dameerkana magaciisa waxa la yidhaa Qoofal-Han Yare. Waxaanu codsi isku mid ah u dirayaa dhamaan sagaalka ururu siyaasadeed ee ku tartamaya doorashooyinka golaha deegaanka Somaliland.

Ku: Dhamaan Sagaalka Urur siyaasadeed

Og: Gudiga doorashooyinka Qaranka

Og: Dhamaan Hay’addaha xuquuqal xayawaanka

Ujeed: Codsi Musharaxni mo gole degaan

Anigoo ah Qoofal Hanyare ahna muwaadin reer Somaliland ah, kana soo jeeda bahweynta xaywaanka ku nool magaalooyinka Jamhuuriyada Somaliland, ahna dameer u garba-beelay qaranimadeena; waxaan si xushmad iyo sharafi ku dheehan tahay idiinka codsanayaa inaad ii ogolaataan in aan kamid noqdo xildhibaanada u tartamaya golaha deegaanka caasimada Hargeysa,anigoo diyaar u ah inaan buuxiyo dhamaan wixii shuruudo ah ee la iiga baahan yahay.

Sidaa daraadeed Waxaan halkan idiinku soo gudbinayaa sooyaalkaygii nololadeed, waxqabadkeygii, ammaanadeydii bulshada iyo haddii aan ku guuleysto tartanka waxa aan iidiin qaban doono.

Waxaan dhashay sanadkii 1977kii kuna dhay magaalada Hargeysa. Xili uu socday dagaalkii u dhaxeeyey dawladahii Itoobiya iyo Somaliya, isla sanadkaa gudihiisa ayaa aabahey oo raaf lagaga kaxeeyey magaalada Hargeysa, ku shahiidey isagoo sahey gargaar ah u sida ciidan ku go’doonsanaa buuraleyda diridhabe.

Waxaan mudo sadex sano ah ku dhex noolaa beerihii waaweynaa ee ku yaaley hareeraha dooxa hargeysa, anigoo ka heli jirey daaq igu filan xiligaa oo dhulku barwaaqo ahaa.

Sanadku markuu ahaa 1981kii ayaan dooxa ka soo baxay anigoo shaqo doon ah. Muddo lix bilood ah markaan indho indheeyey, hab nololeedkii dameerihii ila qayrka ahaa ay ku noolaayeen, waxaan xamili waayey inaan ka mid noqdo, maxaa yeelay xiligaa waxa dameeraha la saari jirey laba mitirik tan oo u dhiganta 40 kiish oo aanan anigu awood u laheyn inaan qaado. Sidaa awadeed waxaan go’aansadey kol hadey ii tahay inaan culeys qaado kaas oo ka badan xamilkeyga inaan xoogeyga iyo socdaalkeyga uga faa’ideeyo dadkeyga. Waxaan ku biirey urur qaadka u soo koontarabaanin jirey Hargeysa oo la odhan jirey ma nastayaasha.

Walaalayaal waxaan qaadi jirey toban baag oo qaad ah iyadoon basbaas iyo xaydh midna dabada la iga marin. Waxana socon jirey 15km saacadiiba anigoon raran.

Walaalayaal xukuumadii militeriga ee Maxamed Siyaad Barre inaateyn cadaawadeedii shacabka u cadeysan, waxana ahaa dameer aamin ah oo rarkasta oo lasaaro aan la garab marin halkii loogu talo galey.

Walaalayaal waxaan aqoon dheeraad ah u lee yahay caasimada aynu ku noolnahey ee Hargeysa, anigoo rar lamarey dhamaan wadooyinka dhexmara Hargeysa. Walaalayala mustaqbalkeygii iyo noloshadeydii waxaan u hurey oo danteyda gaarka ah aan u garab marey sidii dadkan iyo dalkani u horumari lahaayeen. Arintaas oo I dhaxalsiisey inaan noqdo dameer gobla’an ah. Runtii maan guursan kari waayine waad ogtihiin dameer dhid ahi magaalada ma joogto, balse markaan hawdka qaadka ka soo daabuli jirey wey ii suurtoobeysay inaan guursado oo tiraba ilaa shan gashaantimood oo dameero dhidig ah waan la kulmey, hase ahaatee waxaan go’aansadey ilaa intaad wax noqoneysaan inaan iska joogo oo aanan dameer yar oo kale soo lugoyn.

Walaalayaal maanta waxa la gaadhey xiligii aad ii abaal celin laheydeen ee aad isoo sharixi laheydeen ee aad waliba warqad ogolaansho ah iiga soo qaadi laheydeen wasaarada xanaanada xoolaha iyo dawlada hoose ee Hargeysa, warqadaas oo ah ogolaansho dameer dhidig; inaabtidey oo ilaa xiligii halganka aanu balansanayn ayaa ii xanibnayd oo cidlo ka ooyeysa balse markay maqashay musharaxnimadayda hanqalka la soo kacday. Waxaad ogtihiin hadaan tartanka ku guulaysto oo aan dhargo inaan magaalada qof ka seexanayn qayladayda ileen doobnimaa I shidaysee.

Hadii inaabtiday la ii ogalaado, sharciga waan dhawri doonaa oo beer noo gaar ah ayaan ku ilaashan doonaa oo garaaid ku wareegsanyahay ileen waa dameer xildhibaan qabee.

Walaalayaal ururka maanta I soo sharaxa si wayn ayuu iiga faaiidaysan doonaa oo cod aan hore loo arag ayuu heli doonaa anigoo ka wakiila dhammaan xayawaanka qashin cunka ah ee ku nool caasimada xidhiidhna la samayn doona dhammaan xayawaanada ku dayacan magaalooyinka kale ee dalka iyo wadamada jaarka.

Walaalayaal hadii aad taariikh nololeedkayga ka waydaan aqoon waxbarasho mid maadi ah iyo mid diimeed toona, waxaan la qabaa musharaxiin badan oo u tartamaya golaha deegaanka Hargeysa kuwaas oo awood u lahaa inay wax bartaan balse khasaariyey wakhtigoodii xiligii ay waxbaran lahayeen, halkay aniga iiga suurtoobi wayday in aan tago xarun wax barasho waayo waxaan ahay dameer oo layma ogolayn inaan wax barto, bal se hankayga way ku jirtay in aan mar uun wax barto sida aan maantaba damacayga iyo hammigayga ugu jirto inaan noqdo xildhibaan golaha deegaanka Hargeysa.sidaa daraadeed waxan mar labaad idinku dhiiri gelnayaa inaad u fiirsataan codsigayga horaantiisii kaas oo aan idiinku sheegay amaanadayda, kartidayda, dedaalkayga iyo aqoontayda, waxanan idinka rajeynayaa in aad iga aqbali doontaan.

Mahadsanidin,

Musharax Qoofal Hanyare

Mohamed Ibrahim Ali (Af-gaab)

Afeef: Caynaba News Marnaba Kama Masuul Aha Aragtida Shacabka, Qoraaga Ayaa Xumaanteeda Iyo Wanaageedaba Leh.
 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
English News
English News
Faisal A. Warabe Takes Suspicious Meeting With Mogadishu Administration
12/05/2013
Military deployed in Mandera
11/05/2013
Qatar intelligence chief dies of wounds in Somalia
10/05/2013
Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
29/04/2013
An Inspiring, Impressive and Influential Foreign Policy
16/04/2013
This attack is nothing but a sign of desperation by the terrorists.” President Hassan said
14/04/2013
Ceremonial funeral planned after Margaret Thatcher dies, aged 87
08/04/2013
McDonald's job advert demands new employees have a degree and two years’ experience, qualifications previously required only in corporate and managerial roles
04/04/2013
Happy Sindane murder: Man who claimed he was kept as white child slave in black township in South Africa is found 'stoned to death'
02/04/2013
The current Somaliland government deserves our cooperation rather than counteraction
30/03/2013
President Hassan reiterates again, his commitment to the cause of Human Rights
28/03/2013
New migrants will not get free housing, warns David Cameron as Prime Minister stakes out ground for next election
24/03/2013
President Ahmed Siilanyo: A Nation Builder driven by Fairness, Compassion and Devotion to Duty.By |Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr |UK|
23/03/2013
Impact 800 000 Finnish interest
22/03/2013
Somaliland Ambassador In Sweden Met Swedish Minister Responsible for Consumer and Democracy
21/03/2013
UN gives Somalia a vote of confidence for human rights progress
21/03/2013