New York(CNN) Wararka ay ka helayso shabakadan caynaba news ayaa shegaya in Hey'addan Lagu Magacaabo UNICEF ayaa sida la sheegay waxa ay ka dhawaajisay in hoos u dhacan qeyb ahaan uu ka yimid, barnaamijyo si wanaagsan loo maareeyay oo gargaarka dibedda ah, kuwaasi oo ay ka mid yihiin tallaal raqiis ah iyo aqoonta caafimaadka si kastaba ha noqotee Kobcinta dhaqaalaha, kor u qaadidda heerka nolosha dadka ayaa sidoo kale yareysay dhimashada carruurta
Peter Smerdon oo ka tirsan UNICEF ayaa BBC u sheegay in ujeedadu ay tahay sidii loo xaqiijin lahaa in dhimashada carruurta yaryar ay sii yaraato weliba tiro sidaa kasii xooggan
Iyadoo markaasi lagu qiyaasey sanadkii 2011 in 6.9 milyan oo caruur ka yar shan sano ay dhinteen sanadkaasi, waxaana ay taasi ka yartahay 12 milyan sanadkii 1990
isku soo wada duuboo ilaa hada Dalalka saboolka ah oo ay ka mid tahay Dalka ay dagaaladu aafeeyeen ee Soomaaliya ayaa ka mid ah goobaha ay sida weyn ugu dhintaan ama ay ku geeriyoodaan carruurta da'doodu yar tahay cuduro laga daweyn karaynin waxana ay hey'adani soo bandhigtay in ay gabi ahaanba yaraatay tirada dhimashada carruurta labaatankii sano ee u dambeeyay.
Mustafe Amiir
Xafiiska Wararka Dibada Ee Caynaba News