Thursday September 13, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Hargeysa(CNN)-Xaflad furitaan u ah Sanad Dugsiyeedka 2012-2013 ee Dugsiyada kala duwan ee NURADIN iyo Gudoonsiinta jaa’isadaha Ardayda Kaalmaha sare ka galay fasalada iyo Akhlaaq wanaaga ayaa maanta lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadaasi furitaanka u ah Dugsiyada NURADIN waxaa ka soo qayb galaymaamulka iyo macalimiinta NURADIN, Culima Awdiin, masuuliyiin xukumada ka tirsan,Waalidiin, Ardayda Dhigata Dugsiyada kala duwan ee NURADIN oo ku labisan Dirayska dugsiyada sare, Hoose dhexe iyo kuwa kale.

Waxa ugu horayn ka hadlay xafladaasi Maamulaha Guud ee Dugsiyada NURADIN Mahad Ibraahim Maxamed oo ku Hadlayay Afka maamulada kala duwan iyo macalimiinta Dugsiyada Nuuradiin, waxaanu ka warbixiyay munaasibadan furitaanka u ah Dugsiyada NURADIN oo uu sheegay in lagu dhiirigalinayo Ardayda laguna Ambaalmarinayo 374 Arday oo kaalmaha hore iyo Akhlaaq wanaaga ka galay fasalada ay dhigtaan,Ardaydan oo laga sookala oo isugu jira 89 fasal kuwaasi oo ka kooban Wiilal iyo Hablo.waxa kale oo uu sheegay in Ardayda kaalmaha hore ka gashay Dugsiyada NURADIN ay qaarkood heleen waxbarasho dibada ah, kuwaasi oo uu ka mid yahay Yaxye Rashiid Cumar oo jaamacad Urdun ku taala ka helay deeq waxbarasho oo kharashka ku baxaya oo dhan $30,000 oo Dollar uu bixinayo baanka Islaamku.



Waxa uu tilmaamay maamulaha dugsiyada NURADIN macalimiinta iyo maamulka NURADIN in aanay fasax ahayn mudadii saddexda bilood ahayd ee Ardaydu fasaxa ku muqnaayeen balse ay ku hawlanaayeen sidii loo horumarin lahaa Hanaanka wax-barasho ee dugsiyada NURADIN iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada Ardayda oo markii horeba fiicnayd.

Waxa uu Mahad Ibraahim Maxamed sheegay inay soo saareen warqad ka war-bixinaysa Ardayda, warqadaassi oo ay ku qoran yihiin heerkiisa wax barasho, sida uu uga qayb qaato hawlaha wax barasho ee Dugsiga sida laylisyada uu uga soo shaqeeyo, inuu hambsaamo iyo inkale. Warqadan ayuu Maamuluhu tilmaamay in ujeedadeedu tahay sidii waalid ku u la socon lahaa Ardaygiisa iyo heerka uu marayo.Isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi.

“warqadan waxaa ku qoran warbixinta Ardayga, waxa ku qoran ilmahaagu miyuu soo daahaa ma jaraa iskuulka, waxa ku qoran ilmahaaga Akhlaaqdiisu waa side, waxaa kale oo ku qoran Ardaygaagu ma yahay mid ka qayb qaata hawlaha dugsiga hadii laylis loo diro ma ka qayb qaataa haduu doono yuu garane. Waxaa warqadan nagaga baxay tacab badan oo intii Ardaydu fasaxa ku maqnayd Macalimiinta iyo Maamulka midna fasax muu galin totali.”

Waxa kale oo maamulaha Dugsiyada Nuradin u soo jeediyay waalidiinta inay ka war hayaan Ardayda islamarkaana ay ogaadaan heerka waxbarasho ee Ilmaha ay u dirayaan iskuulka, waxaanu Amaan u soo jeediyay Hooyooyinka Caruurtoodu dhigtaan Dugsiyada NURADIN oo uu sheegay inaanay la aantood hawlaha waxbarasho u suurta gasheen isla markaana si joogta ah uga war hayaan Ubadkooda oo ay maamulka iyo macalimiintaba xidhiidh la leeyihiin, iyagoo si toos ah u yimaada xiliga Dugsiga looga baahdo.

Waxa uu sidoo kale maamulaha Dugsiyada NURADIN u soo jeediyay Aabayaasha inay ku dadaalaan sidii ay u la socon lahaayeen waxqabadka Ubadkooda si ay mustaq bal wanaagsan ugu horseedaan, waxaanu tusaale u soo qaatay Tix Gabay ah oo uu tiriyay Maxamed Cabdiraxmaan Lugooyo, waxaanu yidhi:

“ maanta Aabayaasha waxaan odhanayaa hal Eray oo uu yidhi Maxamed Cabdiraxmaan Lugooyo oo ahaa Qawlkii ragii hore hadaan eray ka soo qaato waxuu qaylka yari raacayaa Qoobkii faraskiiye nin waliba Qorshihii Aabihii wuu qalidayaaye hadii Odaygu Qaadka u mir kaco Ubadku qayraanye”.

Waxa kale oo uu maamuluhu waalidiinta u soo jeediyay inay .bixiyaan Bisha laga qaado Ardayda oo uu tilmaamay inay mararka qaarkood ay waalidka ay isku fahmi waayaan. Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa

“waxa dhacda inay waalid ku yidhaahdaan Ilmahaygu fasax ayuu ahaa ee maxaan lacagta ku bixiyaa waxaa weeye macalinku waxa uu ku hawlanaa sixida imtixaanada markaa waa qof idinkoo kale ah xaas iyo caruurna leh, waxa aanu haynaa waxii idiinku qaalisanaa oo ah caruur, ma jiraan waxIlma caruura gooya oo aduunka yaala. Waynu isla ognahay inaanay dahab iyo Doolar toona gooyn ubadkeena. Waxaan runtee leeyahay aynu u wada socono maamul, macalimiin iyo waalid ahaan.”

Waxaa isna madashaasi ka hadlay Agaasimaha Guud ee wasaarada Wax-barashada Somaliland waxaanu sheegay Dugsiga NURADIN kaalin muhiim ah kaga jiro waxbarashada dalka, islamarkaana ay muhiim tahay in wax-barashadu yeelato dhinacyo kala duwan sida qaar Carabi ku baxa iyo Ingiriis oo uu tilmaamay inay dunidu ku horumartay waxbarashada kala duwan. Waxa uu Ardayda u soo jeeduyay inay wax-barashada ku dadaalaan isagoo tilmaamay inay Ardaydan ka soo baxayaan Madaxdii iyo Aqoonyahaynkiibarito. Waxa uu agaasimuhu timaamay inay wasaarada waxbarashadu diyaar u tahay inay taageerto dugsiyada gaarka ah.

Amaal Xaaji Miisaan oo ah la taliyaha dhinaca siyaasada Haweenka ee madax-waynaha ayaa hadal kooban oo ay ka soo jeedisay munaasibadaasi aya ku Amaantay Ardayda madashaasi fadhiday sida ay u labisan yihiin gaar ahaana Hablaha oo ay ku amaanta sida ay u xijaaban yihiin. Waxay tilmaantay inay wakhtiyaday wax baranaysay Shaadh iyo Suwaal xidhan jireen hablahu balse maanta nasiib wanaag si xora Habluhu ugu labisanayaan Anshaxa wanaagsan iyo sida Diinteena Suubani ina farayso.

Gabagabadii munaasibadaasi ayaa Maamulaha Guud ee Dugsiyada NURADIN Mahad Ibraahim Maxamed uu Jaa'isado ku Gudoonsiiyay Ardaydii ku guulaysatay kaalmaha hore iyo Akhlaaq wanaaga ee sanad dugsiyeedka 2012, waxa kale oo Shahaado sharafyo lagu doonsiiyay Waalidiintii ugu firfircoonaa ee sida joogtada ah u la shaqayn jiray maamulka iyo macalimiinta islamarkaana ka war hayn jiray Ardaydooda.





Mawliid Cali Aadan

Caynaba news-office

Hargeysa-somaliland

Mawliid2011@hotmail.com



 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
English News
English News
BREAKING NEWS We will Defend Somaliland Ethiopian PM Hailemariam Desalegn
20/05/2013
Faisal A. Warabe Takes Suspicious Meeting With Mogadishu Administration
12/05/2013
Military deployed in Mandera
11/05/2013
Qatar intelligence chief dies of wounds in Somalia
10/05/2013
Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
29/04/2013
An Inspiring, Impressive and Influential Foreign Policy
16/04/2013
This attack is nothing but a sign of desperation by the terrorists.” President Hassan said
14/04/2013
Ceremonial funeral planned after Margaret Thatcher dies, aged 87
08/04/2013
McDonald's job advert demands new employees have a degree and two years’ experience, qualifications previously required only in corporate and managerial roles
04/04/2013
Happy Sindane murder: Man who claimed he was kept as white child slave in black township in South Africa is found 'stoned to death'
02/04/2013
The current Somaliland government deserves our cooperation rather than counteraction
30/03/2013
President Hassan reiterates again, his commitment to the cause of Human Rights
28/03/2013
New migrants will not get free housing, warns David Cameron as Prime Minister stakes out ground for next election
24/03/2013
President Ahmed Siilanyo: A Nation Builder driven by Fairness, Compassion and Devotion to Duty.By |Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr |UK|
23/03/2013
Impact 800 000 Finnish interest
22/03/2013
Somaliland Ambassador In Sweden Met Swedish Minister Responsible for Consumer and Democracy
21/03/2013