|
|
AXSAABTA QARANKA IYO URURADA-SIYAASADA OO MAANTA SAXEEXAY XEERKA ANSHAXA DOORASHADA GOLAHA DEEGAANKA.
|
Hargeysa(CNN)-Xisbiyada Qaranka iyo Ururada siyaasada ayaa maanta saxeexay Xeerka Anshaxa doorashada golaha deegaanka ee la filayo inay dhawaan qabsoonto. Xisbiyada iyo Ururada siyaasada ayaa badiba saxeexay xeerkan Anshax marinta, halka uu qaadacay Urur-siyaasadeedka NASIYE Xisbiga UDUB oo hore u shaaciyay inaanu galayn Doorashada Golayaasha Deegaanka.
Kulanka lagu saxeexayay Xeerka Anshaxa doorashooyinka waxaa ka soo qayb galay Axsaabta Qaranka, Ururada-siyaasada, komishanka doorashooyinka, Gudida diwaan galinta Ururada siyaasada iyo Hay'ado caalami ah. Gudoomiyaha Urur-siyaasadeedka NASIYE Axmed Maxamed Cumar(talyaani) ayaa sheegay in Ururkiisu Qaadacay doorashada Golayaasha deegaanka ee dalka ka dhicidoonta waxaanu sheegay in musharaxiintii Ururka NASIYE la fadhataystay islamarkaana Xisbiga talada haya ee Kulmiye ugu balan qaaday inay ka bixinayaa lacagta laga rabo musharaxa, sidaa darteedna ay ka kala yaaceen Ururka NASIYE Musharaxiintii uga qayb galaysay golaha deegaanka.
dhinaca kale Cali Maxamed Warancade ayaa sheegay inuu Xisbiga Udub ku adkaysanayo qaadacaadiisa islamarkaana Xisbiga ay dhaawac wayn gaadhsiiyeen Gudida Diwaan galinta Ururada siyaasadu. musharaxa madaxwaynaha Xisbiga Udub ayaa Khilaaf ku dhexmaray madasha shirkaasi ka dhacay Gudoomiyaha Gudida diwaan galinta Ururada siyaasada C/risaaq Ciyaale ku waasi isku Af-dhaafay madasha shirku ka socday.
Gudoomiyaha Komishanka doorashooyinka oo ka dib saxeexa xeerkaasi ka hadlay shirkaasi ayaa sheegay inaan dib looga dhigi karin xiliga qabashada liiska musharaxiinta wakhtigii hore loogu sheegay oo ku beegan maalinta bariya.
By : mawliid
Caynaba news-office Hargeysa somaliland
|
| |
|
|
|
|
| |
|
 |
|
| English News |
|
|
| English News |
|
|
|
|
|