|
|
MUSHARAXA GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BERBERA - URURKA RAYS
|
Mahad Bile Cali Musharaxa Golaha Deegaanka Degmada Berbera, Gobolka Saaxil
Urur Siyaasadeedka RAYS
Musharixiinta urur siyaasadeedka RAYS uga qaybgalaya doorashada golayaasha deegaanka ayaa xafladaha shaacinta ah iyo soo dhawaynta ah ee loo samaynayo musharixiinta ay ku soo badanayeen saaxadda saxaafadda iyo guud ahaan warbaahinta gobollada dalka kuwaasoo u badan xubno dhalinyar iyo aqoonyahanno ku cusub saaxadda siyaasadda balse cod iyo taageeraba ka kasban karaya bulshada. Mudane Mahad Bile Cali oo ka mid ah Musharixiinta urur siyaasadeedka RAYS uga qaybgalaya doorashada golaha deegaanka degmada Berbera, gobolka Saaxil ayaa uga waramay qaar ka mid ah warbaahinta hudheelka Safaari ee magaalada Hargeysa. Musharaxa Mahad Bile Cali oo aannu ugu horayn waydiinnay sida ay u timiday fikradda musharaxnimadiisu ayaa ku jawaabay “Waa su’aal wanaagsan, sida runta ah markii aan galay marxaladdan doorashooyinka golayaasha deegaanka, waxa iga codsatay oo ii soo jeediyay inaan ka qaybgalo dadweyne tiro badan oo asxaabtayda sharafta leh, aqribaaga iyo akhyaartayda oo in badan oo ka mid ahi wakhtiyo kala duwan ii soo jeedinayeen inaan ka qaybgalo doorashooyinka golaha deegaanka, waxa taas xoojiyay anigoo ka mid ahaa dadka aadka u daneeya inay wakhti badan iyo tacabba galiyaan danaha caamka ah iyo horumarinta arrimaha bulshada, si gaar ahna aan in badan maanka ku hayay inaan gaar ahaan ka hawlgalo wax u qabashada bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta khayraadka xeebaheenna, sidaa awgeedna waxan iska sharraxay urur siyaasadeedka RAYS degmada Berbera, Gobolka Saaxil oo aan filayo inuu yahay urur siyaasadeed hormood ah” Mudane Mahad Bile Cali wuxu illaa sannadkii 1983kii ganacsade ka ahaa dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, waxanu muddooyinkii u dambeeyay ka mid ahaa dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshooyinka gubanka iyo dhulka xeebta ah sida deegaannada Bullaxaar oo ka mid ah boqcadaha qadiimiga ah ee taariikhda faca weyn ku leh Somaliland. Mudane Mahad Bile Cali wuxu ballanqaaday inaanu inta awooddisa iyo aqoontiisa ku siman waxba ka hagran doonin bulshada deegaannada uu matalo ee degmada Berbera, Gobolka Saaxil, waxanu sheegay inuu ka shaqayn doono sidii wax loogu qaban lahaa bulshooyinka dhaqaalaha daran dhaqaale kobcin iyo shaqo abuur loogu samayn lahaa dadweynahaas u badan reer guuraaga iyo qorrax joogga gubanka deggan. Mudane Mahad Bile waxa kale oo uu saxaafadda uga waramay inuu taageeraal cadad badan oo uu kalsoonyahay ku haysto degmada Berbera dhexdeeda, dhammaan deegaannada galbeedka Berbera ee Degmada Bullaxaar illaa halka ay Lughaya ka gaadho, sidoo kalena taageerayaal badan iyo meelo kale. Report Xasan Faarax Qamaan Tel: 4115450
Afeef:
Caynaba News Marnaba Kama Masuul Aha Aragtida Shacabka, Qoraaga Ayaa Xumaanteeda Iyo Wanaageedaba Leh.
|
| |
|
|
|
|
| |
|
 |
|
| English News |
|
|
| English News |
|
|
|
|
|