Thursday September 13, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
MUQDISHO(CNN) Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa waxaana shir- guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

waxaana shirkan looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ugu horeysay xoojinta Amniga dalka, iyo isbedelada Siyaasadeed ee dhacayey maalmihii ugu danbeeyey.

Ugu horayntii goluhu wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Prof. Xassan Sheekh Maxamuud guushii uu ka gaaray tartankii madaxweynanimada Soomaaliya oo ka dhacaday magaalada muqsdisho, wuxuuna Goluhu rajo wanaagsan ka muujiyey inuu madaxweynuhu dalka ku hogaamin doono caddaalad iyo sinnaan..

Sidoo kale Goluhu wuxuu amaan ballaaran u jeediyay geesiyaashii ka hortagay falkii guracnaa islamarkaana tacsi u diray kuwii ku geeriyooday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Al-Jasiira oo shalay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Gaas oo shir kula lahaa wafti ka socda dalka Kenya, Goluhu wuxuu cambaareyn dusha uga tuureen kooxaha nabad diidka ah ee Al-qaacidada Soomaaliya oo iyagu sheegtay masuuliyada qaraxyadaas. sidoo kale Goluhu waxaytasci tiiraanyo leh u direen Eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Allaha ha u naxariistee marxuum C/raxmaan Wehliye Maalin oo ahaa lataliyaha arimaha sharciga ee Golaha Wasiirada isagoona u geeriyooday xanuun caadi ah Axadii la soo dhaafay.

Dhanka kale Goluhu wuxuu warbixin ka dhagaystay Hay’adahaqaabilsan Amniga waxayna sheegeen in Amnaanka caasimada uu aad u wanaagsan yahay ayna ku guuleysteen ka hortaga falal qaraxyo ah oo lala beegsana rabay goobaha shacabku ku badan yahay.

Ugu danbayntii Golaha ayaa aad uga dooday sida ugu wanaagsan ee loo wajihi karo sidii ay u dhici lahayd xilwareejin dhamaystiran iyadoona lagu amray inay wasaarad kasta ku wargaliso Agaasimaheeda Guud sidii uu u diyaarin lahaa qaabka loo wareejinayo xilka isagoona laga rabo inuudiiwaan galiyoAgabka wasaaradda, Wixii ay soo qabatay oo qoraal iyo Muqaal ah, Barnaamijyada u dagasan wasaarada inay wax ka qabato mustaqbalka, iyo diiwaan galinta shaqaalaha rasmiga ah ee ka howlgala wasaaradda, sidoo kale waxaa wasiirada lagu booriyey iney si hufan shaqadooda u gutaan inta laga soo dhisayo Xukuumada kala wareegta xilka ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.


>>>>Dhamaad<<

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director, office of the PM

Mobile: +252-616084650

+252-699270033

Mogadishu, Somalia

 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
English News
English News
BREAKING NEWS We will Defend Somaliland Ethiopian PM Hailemariam Desalegn
20/05/2013
Faisal A. Warabe Takes Suspicious Meeting With Mogadishu Administration
12/05/2013
Military deployed in Mandera
11/05/2013
Qatar intelligence chief dies of wounds in Somalia
10/05/2013
Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
29/04/2013
An Inspiring, Impressive and Influential Foreign Policy
16/04/2013
This attack is nothing but a sign of desperation by the terrorists.” President Hassan said
14/04/2013
Ceremonial funeral planned after Margaret Thatcher dies, aged 87
08/04/2013
McDonald's job advert demands new employees have a degree and two years’ experience, qualifications previously required only in corporate and managerial roles
04/04/2013
Happy Sindane murder: Man who claimed he was kept as white child slave in black township in South Africa is found 'stoned to death'
02/04/2013
The current Somaliland government deserves our cooperation rather than counteraction
30/03/2013
President Hassan reiterates again, his commitment to the cause of Human Rights
28/03/2013
New migrants will not get free housing, warns David Cameron as Prime Minister stakes out ground for next election
24/03/2013
President Ahmed Siilanyo: A Nation Builder driven by Fairness, Compassion and Devotion to Duty.By |Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr |UK|
23/03/2013
Impact 800 000 Finnish interest
22/03/2013
Somaliland Ambassador In Sweden Met Swedish Minister Responsible for Consumer and Democracy
21/03/2013