Adis(CNN)Waxaa xalay ka dhacday magaalada Addi Ababa ee xarunta dalka Ethiopia xaflad loo samaeeyey arday reer somalilanad ah oo ka qalin jabisay
jamaacado kala duwan oo ku yaala magaaladaAddis Ababa xafladaaso ka dhacday CURUBO HOTEL ee magaalada Addis Ababa taasoo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay.
Xafladan waxaa ka soo qaybgalay agaasimaha wasaarada dibudajinta Jamhuuriyada Somaliland mudane cali maxamed cabdilahi(cali biikolo) xubno ka tirsan shirkada dahabshiil arday iyo marti sharafkale
Xafladaaa waxaa ugu horayn ka hadlay DR cabdiraxmaan Axmed ducaale oo aad ugu dheeraaday muhiimada iyo qiimaha ay leedahay wax barashadu.
Waxaa kale oo halkaa ka hadlay gudidii soo qaban qaabisay xalfada oo uu ugu horeeyo gudoomiyecabdilahi cabdiqaadir faarax, cabdiraxmaan cabdilahi xaaji xasan(mumin) waxaa kale oo halkaa ka hadlay cabdiraxmaan xasan ibraahin(rageedii), maxamud muxumed axmed.
Arday qalin jabinaysayna waxaa u hadlay axmed jaamac xaaji maxamud oo sheegay ahmiyada ay leedahay wax barashadu sheegayna in ay aad ugufaraxsan yihiin xalfadan iyo wakhtiga ay kulumiyeenwaxbarashan ay haatan soo gabagabeeyee.
Ugu danbayntii waxaa hadal qiima leh xaflada ka jeediyey agaasimaha wasaarada dib udajinta jamhuuriyada Somaliland mudane cali maxamed cabdilahi (cali biikolo)
Wuxuu aad uugu dheeraaday muhiimda iyo qiimaha ay leedahay wax barashadu iyo sida ardayda reer soomaliland ay wakhtiydan danbe ugu heelan yihiin wax barasha.
cali biikolo wuxuu ardayda kula dardaarmay in ay siiwadaan waxbarashada oo ay halkaas kaga hadhin kuna kalsoonaadaan naftoodo isaga ardayda kale na kula taliyey in ay ku dadaanlaan sidii ay iyaguna uga soo bixilahaayeen kaalintiina waxbarasho.
Wuxuu kale calibiikolo in taa ku daray “ markii aad imanayseen dalkan wax aad kala kulanteen carqalado badanoo ay ka mid yihiin in aad timaadeen dal iyo dad ka duwan kiinii haday tahay af ,dhaqan ,iyo diinba taas darteedna ay adkayd inaad si fudud ula qabsataan oo aad dedaal badan u gasheen arintaas sidii ay u suuro geli lahayd aniguna aan aad idiinku hambalyeynayo “
Waxaa isna halkaa ka hadlaya xubinka socotay SHIRKADA DAHABSHIIL mr cabdiqaadir xasan oo sheegay in mudo badan oo uu joogay addisababa uu usoo taagnaa carqalado badan oo ka horyimid arday badan ,laakiinse uu manta ku faraxsanyahay in uu arko arday intaas leeg oo mar qudha qalin jabiyey, isagoo kula dardaarmay ardayda in ay ku dedaalaan dhinaca diinta oo aanay maadiga oo qudha ku koobnaan .
Ugud danbayn waxaa xaflada soo gabagabeeyeycabdilaahi cabdiqaadir faaraxoo sheegay in ay farxad wayn u tahay in ay u qabtaan xafladan aadka u wayn ardayda qalinjabisay una soo jeedeyey ardaydaa qalin jabiyey in ay u mahadnaqaan marka hore ilaahay kadibna ay u baalgudaan cid kasta oo ku soo tabacday kana caawisay inay so gaadhaan heerkan.
Gabegabadiiwaxaa lagudo galay in ardaydii xaflada ka soo qaybgashay xaflada ay u gudbiyaan masuuliyiinta dowlada carqaladaha ka haysta ardayda dhanka sharciga gaar ahaan residentiga iyodoo aaad loo kaftamay oo ay si faahfaahsan isu waraysteen ardayda iyo masuuliyiintu .
Abdirahman Abdilahi Haji Hassan
Adisasaba Itoobiya