Waxa wax lala yaabo ah in Madaxweynahu uu kolba cidda uu doono u sameeyo hayad madax banana oon baahi iyo dhaqaale toona loo hayn. Waxa cad in dalkii noqday
dukaan qof leeyahay oon
nidaam iyo hab dawladnimo ka maqantay. Maxaa keenay in TVgu madaxbanaanaado?
Maxaa idaacadda loo madax banaanayn waayey? Halkay kaga jirta arrintani
miisaaniyaddii xukuumadda ee Golaha Wakiiladu ansixiyeen. Xukuumaddu waa inay
ku shaqaysaa Miisaaniyaddii la ansixiyey, hadday wax ka bedeleysana waa inay
oggolaasho ka heshaa Golaha Wakiilada. Sidoo kale ayey tahay inay oggolaasho ka
hesho Wakiilada intayna Hayad cusub abuurin amba ayna Wasaarad ka jarin hayad
madaxbanaan.
Sidaas ayuu dastuurku
qabaa ee yaa tusaaya Wakiiladeena danta gaar ah mooyee ka hurda danta caamka
ah.
Waxa aynu ognahay in
musuqmaasuq xoogani ka taagnaa Wasaaradda Warfaafinta waliba si gaar ah TVga.
Haddaba ma waxa xalku noqday in la madxbaneeyo si hantida qaranka ee
jaranjarada wasaaradda lagu ilaalin kari waayey loo daayo nin keliya oo sida uu
doono ugu tagrifala. Waxa in badan soo noqonaysay in meesha ay ku jirto sheeko
qoys iyo rag xaafadda Madaxweynaha ka tirsan oo raba inay si toos ah u maalaan
dhaqaalaha TVga kuna shaqaystaan taxiihii mashruuca ka dhigtay TVga London oon
aqoon iyo khibrad TV lahayn walibana aan waligii cid madax u noqon.
Waa ayaan darro in
boqolaalka rag iyo dumarba leh ee saxaafadda baratay khibraddana u le in laga
boodo oo London laga soo waarido wiil u qabaana qoyska adduun jecelku madax maray
inana aynu ka sugayno maamul wanaag. Waxa arrinkan looga baahan yahay in
Wakiiladu bal mar uun ay fuliyaan wax dalka u dan ah ooy diidaan abuurista
madaxbanaanida aan loo baahanayn bal se lagu cunaayo lacta qaranka.
Waxaad xusuusataa
madaxbanaanida Dekedda Berbera iyo soo noqoshada Cali Xoorxoor. Tani taas ayey
la mid tahay oo waliba wey ka liidataa oo wiilkan cumaamada beenta ah loo
xidhay waa sawir cad quudheed loo tuuraayo kolka amarka iyo dheeftaba uu
leeyahay wiilaka Siilanyo sodog u yahay ee Baashe waa ninka xiiran ee loo
yaqaan Morgan.
Waxa hubaal ah inaan
cilaaqad ka dhexeyn Siilanyo iyo wiilka TVga. Waxa se cad in dalka cid kale
maamusho. Waxa habboon in Golaha Wakiiladu dalbaan baadhis caafimaad oo
Madaxweynaha Alle ha shaafiyee la eego caafimadkiisa. Waan aqaan oon garan kara
dareenka Madaxweynaha oon u dhalan nin jelicsan iyo nin tuugo soo dhoweysta.
Waxa se muuqata inaanu lahaynawood caafimaad oo uu talada ku gaadho
aragtidiisa. Waana waxa aanu marna diyaar ugu ahyn inuu hor yimaado shir jaraaid.
Weynu garan karnaa Siilaanmyo oo caafimaad qabaa sida uu ugu raaxaysan lahaa
rrintan.
Haddaba waar dalka
aynu u gurmano oo weliba an Madaxweynaha u naxno oo waxa helay ma naxayaal aan
caafimaadkiisa ilaalinayn bal se ka fa, ideysanaaya xanuun kiisa.
Golaha Wakiilada waxa
saran xil weyn ee bal mar uun Alle ha tuso awoodooda ay dalkan ku badbaadin
karaan. Madaxweynah waxaan ugu ducaynayaa caafimaad sareecan ah oo uu ku garto
dabinka ay inta ugu dhowi u daadisay. Illaahow Madaxweynah xaqqa tus oo tus
kuwa sida goofanaha ugu dhegan meel kasta oo dhaqaalaha dalka laga helaayo.
Allow Soomaliland badbaadi oo ka badbaadi tuugta iyo maafiyada is kaashaday ee
toos ula wareegay Madaxtooyadii qaranka.
Cali Jaamac
xeedho@ymail.com
FIIRO GAARA ANAGA KAMA MASUUL NIHIN ARAGTIDA SHACABKA