Friday September 14, 2012 TWITTER FACEBOOK PRINT THIS PAGE SEND TO YOUR FRIEND  
Hay’adaha dimuquraadiyada waxa ugu xoog weyn oo la ilaaliyaa waa habka iyo maamulka xisbiyada. Iyaga ayey wax waliba ka yimaadaan. Madaxdu waa inay

ka soo baxdaa xisbiyo leh sharci iyo nidaam, kaas oo diidan inuu qofna keli u yeesho xisbi amba uu ku meel maro lacag iyo qabyaalad. Waxa dimuquraadiyada u sal ah in xisbigu ahaado mid loo siman yahay oo leh guddiyo maamul.

Haddaba Jamaal waxuu aaminsan yahay in maalkiisu yahay kan uu ku ibsan karo codka dadweynaha kol haddii uu jirabay labadii xisbi qaran oo mid waliba u jabiyey sharcigii xisbiga.

Waxaynu ognay sida uu u baabiiyey xisbigii UDUB. Waxa se cad in si dii garabka UDUB ee la socday yeeleyn inay xataa ka qurux badnayd tan UCID laga helay. UDUB waxay isku dayday inay wax asturto oo sharci been ah ayey u dhisayn iyagoo soo mariyey nidaam ay u sameeyeyn. UCID waxay noqotay side Haatuf qortay. Faysal Waraabe ayaa leh aniga iyo Jamaal waxaanu isla gaaranay sidan iyo sidan. Marna kama muuqdaan maamulkii xisbigu. Marna lama laha Guddiga Dhexe, marna lama sheegin Guddiga Fulinta bal se waxa laga dhigay in Faysal iyo Jamaal tira siman ka yeelan doonaan guddiyada xisbiga sidii ayna jirinba.

Haddaba waxa la gudboon Guddiga Diiwaangelinta ee shalay loo dhiibay Golaha Dhexe ee xisbigu inay baabiiso heshiiskan aan sharciga waafaqsanayn ee labadana nin ay meel madow ku kala iibsadeen.

Jamaal waa nin madaxnimo madax martay hadduu qabtana ku aar goosan doona oo ay u cadahay sharci iyo sharci daraba inuu kol kursiga ku fadhiisto deedna uu soo ceshado maalkii ka baxay oo kun lab ah , kagana aar goosto bulshada uu u ciil qabo. Nin aan ogolayn inuu ilaaliyo sharciyada xisbiga isagoo baahan ma dhowr doonaa kolkuu helo meel uu awood iyo maalba ku haysto..

Ma aha nin aqoon bulsho iyo mid siyaasi leh, waayo dee urur ayuu furan lahaa. Waa nin aaminsan inuu hantiyo meel jirta oo dadkeeda uu iibasado. <Ma aha anin keli istaagi kara. Waxa uu baabiyey laba xisbi qaran, waxaan xukuumadda iyo heer-ilalainta la gudboon inay ilaaliyaan shrciyada xisbiyada oo laga qabto tuugta iyo budhcadda isu gaashaday inay sifo an sharci ahayn dalka ku hantaan.

Waxaan uga digayaa ummada inay noqdaan dad la iibsado oo lagu laaluushu maal xaraan ah, berrina iyaga laga qaado cashuur lagu celiyo intii baxday oo kun lab ah. Waxii loo qaban lahaan laga dhigo mid gasha budhcadda oodda goosatay.

Dunida kale hadduu Jamaal joogi lahaa, manta waxuu ahaan lahaa nin xabsiga ku jira. Waa danbi weyn in nin uu isticmaalo cag uu xisbi madax ugu noqdo iyo inuu lacag kursi siyaasadeed ku doono. Taasi ayuu si gabasho la’aan ah ugu faanayaa lacag ayaan haystaa aan oday iyo dhalinba ku iibsado. Waar dalka ha loo naxo oo ha laga joojiyo ninkan soo duulay een xadhig iyo xeer toona aqoon.

Hargeysawi@ymail.com

Ahmed Haji Abdi

Afeef: Caynaba News Marnaba Kama Masuul Aha Aragtida Shacabka, Qoraaga Ayaa Xumaanteeda Iyo Wanaageedaba Leh.
 
COMMENTS (0)
No Comments Available
ADD YOUR COMMENT
Name :  
 
Email :  
 
Comment :  
 
Security Code :  
 
 
 
English News
English News
Faisal A. Warabe Takes Suspicious Meeting With Mogadishu Administration
12/05/2013
Military deployed in Mandera
11/05/2013
Qatar intelligence chief dies of wounds in Somalia
10/05/2013
Somali Government concerned by the worsening situation of Somali refugees in Yemen
29/04/2013
An Inspiring, Impressive and Influential Foreign Policy
16/04/2013
This attack is nothing but a sign of desperation by the terrorists.” President Hassan said
14/04/2013
Ceremonial funeral planned after Margaret Thatcher dies, aged 87
08/04/2013
McDonald's job advert demands new employees have a degree and two years’ experience, qualifications previously required only in corporate and managerial roles
04/04/2013
Happy Sindane murder: Man who claimed he was kept as white child slave in black township in South Africa is found 'stoned to death'
02/04/2013
The current Somaliland government deserves our cooperation rather than counteraction
30/03/2013
President Hassan reiterates again, his commitment to the cause of Human Rights
28/03/2013
New migrants will not get free housing, warns David Cameron as Prime Minister stakes out ground for next election
24/03/2013
President Ahmed Siilanyo: A Nation Builder driven by Fairness, Compassion and Devotion to Duty.By |Eng. Hussein Adan Igeh |Hussein Deyr |UK|
23/03/2013
Impact 800 000 Finnish interest
22/03/2013
Somaliland Ambassador In Sweden Met Swedish Minister Responsible for Consumer and Democracy
21/03/2013
UN gives Somalia a vote of confidence for human rights progress
21/03/2013