London(CNN)Weeraryahanka cusub ee Malaga Javier Saviola ayaa shaaca ka qaaday inuu ka mahdinayo inuu dhashay qarnigii uu dhashay Messi, islamarkaana uu arko isagoo ciyaarayo.
Saviola, ayaa ku soo laabtay Spain isagoo u ciyaaraya kooxda Costa del Sol, waxaana uu xagaagii ka soo wareegay Benfica, isagoo haatan u ciyaaraya kooxdiisii afaraad ee La Liga ka dib markii uu waqti la soo qaatay Barcelona, Sevilla iyo Real Madrid.
Mar wax laga weydiiyay fekerkiisa ku aadan dooda ku saabsan cida ku guuleysan doonta Ballon d’Or Lionel Messi ama Cristiano Ronaldo, kama uusan labalabeyn waxaana uu taageeray ninka ay isku wadanka yihiin.
“Aniga ahaan waxaan qabaa inuu ku guuleysto Messi. Ma jiraan erey haray oo lagu tilmaamo. Waxaan jeceyl u qabaa waxa uu soo bandhigayo, qaabka uu u ciyaaro iyo waxyaabaha uu ku sameeyo garoonka dhexdiisa.Waa inaan ka mahdiyaa kuna farxaa inaan dhashay qarnigii uu dhashay Messi islamarkaana aan daawado isagoo ciyaaraya” ayuu Saviola ku sheegay wareysi uu siiyay jariirada AS.
Waxaa sidoo kale la weydiiyay fekerkiisa ku aadan hadii Messi uu u baahan yahay inuu ku guuleysto koob adduun si loogu texgeliyo laaciibkii ugu fiicnaa ee dunida abid soo maray.
“Inuu ku guuleysto koob adduun waa waxa kaliya ee u dhiman Messi. Ma aanan daawan ciyaartoyda sida Pele iyo Di Stefano sidaasi darteed waa adag tahay inaan isbarbardhigo.
“Si kastaba, dadka haatan ciyaaraya Messi ayaa ugu fiican.” ayuu hadalkiisa ku koobay.
.
London Caynaba news